Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka Amniga oo Is-Casilay


Wasiirka Amniga Qaranka
Wasiirka Amniga Qaranka
Wasiirka Amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisii.

Cabdikarim ayaa hadalka iscasilaadiisa wuxuu ka sheegay idaacadda Radiyow Muqdisho ee ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Iscasilaadda wasiirka ayaa timid saacaddo kadib markii koox hubeysan oo ka tiirsan ururka al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay 18 qof oo isugu jira ciidan iyo kuwii weerarka geystay.
XS
SM
MD
LG