Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Thailand oo Lagu soo Rogey Xukun Deg-Deg


Taliyaha Ciidamada Thailand General Prayuth Chan-ocha
Taliyaha Ciidamada Thailand General Prayuth Chan-ocha
Milatariga Thailand ayaa waddanka ku soo rogey xukun deg-deg ah, iyagoo sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu sugo amniga iyo kala dambeynta kadib dhowr bilood oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo dowladda looga soo horjeedo.

Taliyaha Ciidamada, General Prayuth Chan-Ocha oo televishanka kala hadlayey shacabka ayaa difaacey tallaabadaasi, kuna tilmaamey mid muhiim u ah in lagu xaliyo xasaradda siyaasadeed ee waddanka ka jirta.
Waxaa uu shacabka ugu baaqey inay is dejiyaan isla markaana ay si caadi ah u gutaan hawlahooda.

General Prayuth ayaa maanta kulan la yeeshey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee hay’adaha dowladda. Waxaa uu ugu baaqey kooxaha iska soo horjeeda inay yeeshaan wadahadal, waxaana uu sheegay in xukunka deg-degga ah ee ay milatariga soo rogeen uu jiri doono ilamaa kala dambeyn buuxda ay dalka ku soo laabato.

Ciidamada oo 80-kii sanno ee la soo dhaafey dalka uga sameeyey 11 afgembi, ayaa beeniyey inay talada dalka la wareegayaan.

Wasiirka Cadaaladda Chaikasem Nitisiri ayaa weriyeyaasha u sheegay in dowladda ku meel gaarka ay weli haysto talada dalka, waxaana uu ku celceliyey in tallaabada ay qaadeen milatariga ay ku kooban tahay la tacaalidda arrimaha la xiriira amniga.
XS
SM
MD
LG