Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbax ka Dhan ah Shiinaha oo Ka Dhacay Vietnam


Boqolaal qof ayaa banaanbaxyo ka hor dhigey safaaradda Shiinaha ee caasimadda dalka Vietman iyagoo ka soo horjeeda tallaabada uu Shiinaha qalabka shidaalka lagu qodo ku geeyey Badda Koonfuurta China oo ku dhow jasiiradaha Paracel.

Xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa si dhow isha ugu hayey dadka banaanbaxyada dhigaya, waxayna halkaasi ka sameeyeen goobo ay ku xakameeyaan si aaney ugu gudbin dhanka dhismaha safaaradda.

Dadkaasi ayaa halkaasi ku soo bandhigey boorar ay ku qoran yihiin ereyo liddi ku ah Shiinaha.

Vietnam ayaa markiiba u dirtey maraakiib goobta qalabkaasi shidaalka lagu qodo ay Shiinaha soo dhigeen kowdii bishan May, balse waxay dhaafi waayeen maraakiib badan oo Shiinaha uu halkaasi dhigey oo ku hareereysan qalabkaasi shidaalka lagu qodo.

China ayaa sheegta lahaanshaha Badda Koonfuurta Shiinaha. Waxaa sidoo kale sheegta waddamada Vietnam, Brunei, Malaysia, Philippines iyo Taiwan.
XS
SM
MD
LG