Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaramada Midoobay oo ka Hadashey Hubka Kiimikada Syria


Madaxa Guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan inay dusha ka eegaan barnaamijka lagu burburinayo hubka kiimikada ee Syria ayaa sheegtey in qeybta dhiman ee gaareysa 8 boqolkiiba ee hubkaasi uu yaallo goob khatar ah oo aan la tegi karin.

Sigrid Kaag waxaa uu weriyeyaasha u sheegtey kadib kulan albaabada u xirnaa oo ay yeesheen Golaha Ammaanka in 16 baraamiil keliya oo hubka kiimikada ay ka harsan yihiin in Syria ay noqoto dal boqolkiiba boqol laga burburiyey keydka hubka kiimikada.

Waxaa uu sheegey in hubkaasi uu yaallo goob ay khatar tahay in la tego sababo la xiriira ammaanka, taasina ay dhalin karto in Syria marka la gaaro 30ka bisha June oo ah waqtiga loo qabtey ay ku dhameystiri weyso burburinta hubkaasi.
XS
SM
MD
LG