Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Champ. League-ga oo Kama-dambeystii Gaaray


Labada kooxood ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ciyaartii kam-dambeysta gaaray ka dib markii ay kasoo kala badiyeen kooxaha Bayern Munich ee Jarmalka iyo Chelsae ee dalka Britian.

Kooxda Real Madrid ayaa Talaadadii ay bisha April 29ka ahayd soo reebtay kooxda Bayern Munich, iyada oo ciyaar kulul oo habeenkii xalay ahaa dhacdayna kooxda Atletico Madrid ay soo reebtay kooxda Chelsae.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee ay iskaga hor imanayaan labada kooxood ee reer Spain ayaa ka dhacaysa dalka Portugal, waxayna dhacaysaa 24ka bisha May.

Wareysi ciyaartii xalay ku saabsan hoosta ka dhageyso.
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00
XS
SM
MD
LG