Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar lagu Qaadey Isbital ku Yaalla J. A. Dhexe


Ugu yaraan 22 ruux ayaa la diley markii rag hubeysan ay rasaas oodda uga qaadeen isbitaal ku yaalla waqooyiga galbeed ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.

Hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda lahayn ayaa xaqiijisey in saddex ka mid ah shaqaalaheeda maxalliga ah lagu diley weerarka maalintii Sabtida ka dhacay Nanga Boguila, oo ku dhow xadka ay wadaagaan Jamhuriyadda Afrikada Dhexe iyo Chad.

Mas’uuliyiinta degaanka ayaa sheegay in dableyda dilka geysatey ay ka tirsanaayeen ururka Seleka oo ah falaagada Musliminta ee horey xukunka uga tuurey madaxweynihii dalka horaantii sannadkii la soo dhaafey.

Waxay mas’uuliyiinta intaa ku dareen in falaagada ay isbitalka u soo doonteen lacag.

Jamhuriyadda Afrikada Dhexe ayaa waxaa muddo sannad ah ku ragaadiyey rabshado dhinaca diimaha ku saleysan.

Maalintii Axadda, ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ayaa daadgureeyey qaar ka mid ah Muslimiintii ugu dambeysey ee ku sugnaa caasimadda Jamhuriyadda Afrikada Dhexe ee Bangui.

Dadkaasi oo tiradoodu gaareyso 1,300 ayaa waxaa muddo dhowr bilood ah ku hareereysnaa maliishiyaadka Masiixiyiinta.

Markaasi kadib, ayaa maliishiyaadka Masiixiga waxay dhac u geysteen guryihii iyo masjid ku yaaley degaanka ay ka baxeen dadkaasi Muslimiinta ah.
XS
SM
MD
LG