Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Cabdiwali oo Tagay Kismaayo


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo uu wadahadalo kula leeyahay masuuliyiinta maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ay xireen waddooyinka magaalada, sidoo kalena waxaa magaalada lagu soo rogay bandow iyadoo la xirey dhamaan dhaqdhaqaaqii magaalada.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya waxaa ka hirgaley heshiiskii ay hore u gaareen magaalada Addis Ababa. Waa markii ugu horeysay ee uu Ra’iisul Wasaaruhu booqdo magaalada Kismaayo taniyo markii la doortey.

Toddobaadkii hore waxaa uu Ra’iisul Wasaarahu uu booqdey degmooy ka tirsan gobolada Shabeelaha hoose iyo Hiiraan.
XS
SM
MD
LG