Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO: Russia Ciidan Badan ayaa ka Jooga Xadka Ukraine


NATO Ukraine
NATO Ukraine
Gaashaanbuurta NATO ayaa soo bandhigtey sawiro dhinaca satellite-ka lagu qaadey oo muujinaya waxa ay ku tilmaantey 40,000 oo ah ciidamo Ruushan ah oo la soo dhoobay meel ku dhow xadka Ukraine, iyagoo ay weheliyaan taankiyada dagaalka, diyaarado iyo qalab kale, sugayana amar uga yimaada magaalada Moscow.

Sawiradan oo warbaahinta loo soo bandhigay ayaa shaacintooda waxay ku soo beegmeysaa, iyadoo Ruushka uu marar badan ku celceliyey in ciidamada halkaa ka jooga aanay ahayn kuwo dhalinaya in beesha caalamku ay walaac ka muujiyaan.

Dowladda magaalada Kyiv ayaa doonaysa inay qaboojiso xiisadaha ka jira bariga Ukraine, halkaas oo dad banaanbaxyo dhigaya oo taageersan Ruushka ay qabsadeen dhismayaal ay dowladdu leedahay horaantii toddobaadkan, isla markaana soo saarey dalab ay ku doonayaan in afti la qaado si ay ugu biiraan Ruushka.
XS
SM
MD
LG