Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW: Xariga Soomaalida Islii waa "Nasiib-darro"


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
RW Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa nasiib darro ku tilmaamay qab-qabashada ay ciidamada amniga Kenya ku wadaan Soomaalida degan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Cabdiweli sheegay in arrintan si gaar ah ugala hadlay madaxda dalka Kenya, gaar ahaan Madaxweyne-kuxigeenka, wuxuuna sheegay in madaxdu ay u balanqaadeen in sida ugu dhakhsiyaha badan arrintan loo soo afjari doono.

RW Soomaaliya ayaa amni-darrada iyo weerarada keenay qab-qabashada ku eedeeyay inay ka danbeeyaa kooxaha argagixisada ee doonaya inay xasilooni darro abuuraan.

Tan iyo toddobaadkii hore, ciidamada amniga Kenya ayaa wada howgallo ay ka fulinayaan xaafadda Islii, iyagoo soo qab-qabtey dad gaaraya ilaa 4-kun oo Soomaali oo qaarkood haatan ku xiran garoonka ciyaaraha Kasarani ee Nairobi.

Kenya ayaa shalay Muqdisho dib ugu celisay 82 qof oo Soomaali ah kuwaasoo Kenya ku joogay si sharci-darro ah.
XS
SM
MD
LG