Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo la Kulmay Boqorka Sacuudiga


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la kulmay boqorka Sacuudiga Boqor Abdallah Bin Abdulaziz, iyagoo ka wada hadlay sida wax looga qaban karo khilaafka labada dal ee ka dhashey danaha nabadgelyada ee guud ahaan gobolka Bariga Dhexe.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ka sokow dagaalka sokeeye ee ka jira Syria ay hoggaamiyeyaasha labada dal kulankooda ku faaqideen doonaan arrimaha Iran, Masar, wadahadallada nabadeed ee aan cagaha badan ku tagneyn ee Israel iyo Falastiiniyiinta, iyo weliba dadaalada loogu jiro ka hortagga argagixisada.

Dagaalka sokeeye ee ka socda Syria ayaa Bariga Dhexe ka dhaliyey xiisado dhinaca mad-habta diinta ku saleysan, waxaana Sacuudiga uu si weyn uga carrooday talaabadi Mareykanka uu sannadkii hore kaga baaqsadey qorshihii la doonayey in lagu hubeeyo falaagada dagaalka kula jirta xukuumadda Syria ee Madaxweyne Bashar al-Assad.

Dowladda magaalada Riyadh ayaa dhanka kale walaac ka muujisey wadahadalada aan tooska ahayn ee maamulka Obama la bilaabay Iran oo ah waddanka ugu weyn ee Sacuudiga kula xafiltama siyaasadda gobolka.
XS
SM
MD
LG