Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Qarax Miino oo Lala Beegsaday AMISOM


Kolonyo sidday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxaa miino ay kula qaraxdey xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo.

Sarkaal sare oo ka tirsan AMISOM ayaa VOA u sheegey in ciidamada qaraxa lala eegtay ay ahaayeen kuwo ka socda Burundi oo dhowaan gaarey Kismaayo.

Qaraxaasi waxaa ku dhintey hal qof oo rayid ah, saddex kalena way ku dhaawacmeen.

AMISOM ayaa war ay soo saartey waxay ku dhaleeceysey weerarada lala beegsadey shacabka, iyadoo maalmahan magaalada Kismaayo ay ka jireen falal amni darro oo dilal loogu geystey dad shacab ah.
XS
SM
MD
LG