Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo Dad Rayid ah ku Dishay Afghanistan


Afghan security personnel arrive near the Serena hotel, during an attack in Kabul, March 20, 2014.
Afghan security personnel arrive near the Serena hotel, during an attack in Kabul, March 20, 2014.
Saraakiil ka tirsan dowladda Afghanistan ayaa sheegey in sagaal qof oo rayid ah la dilay markii dhalinyaro hubeysan oo ka mid ah dagaalyahannada Taliban ay si xeeladeysan u dhaafeen ilaalada hotel casri ah oo ku yaala magaalada Kabul, iyagoo qoryo ku soo qarsadey jirkooda.

Afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha gudaha Sediq Sediqi ayaa sheegey in ragga weerarka soo qaadey oo ahaa afar dhamaantood la toogtay, ayna dhinteen. Waxaa uu intaa ku darey in dadka rayidka ah ee la dilay ay ka ku jireen ajaanib.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay galeen Hotel Serena xilli galabnimo ah, kadibna ay sugeen ilaa saddex saacadood ka hor intaaney weerarka qaadin. Waxaa dhamaan ragga weerarka soo qaadey ay da’dooda ka yareyd 18 jir.

Ururka Taliban ayaa sheegtey mas’uuliyadda weerarka. Waxaa ururku uu balanqaadey inuu khalkhal gelin doono qorshaha la doonayo in doorashooyin madaxweyne ay uga dhacaan Afghanistan bisha April 5 teeda.

Sannadkii 2008 nin isa soo miidaamiyey ayaa weerarey Hotel Serena, halkaasina ku diley lix qof.
XS
SM
MD
LG