Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaale Tallaal oo lagu Dilay Muqdisho


Dablay hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay haweenay ka mid ahayd shaqaalaha ka qayb qaadanaya tallaalka cudurka dabaysha.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Shariifo Yuusuf Maxamed ayaa waxaa saddex xabadood madaxa uga dhuftay dad aan haybtooda la garanaynin xilli ay ka sii baxaysay gurigeeda iyada oo u socotay xaruun caafimaad oo ay ka shaqaynaysay.

Dilka haweenaydan ayaa waxaa VOAda u xaqiijiyay wiil ay dhashay, sidoo kale wasaaradda caafimaadka ee Somalia ayaa shaaca ka qaadday in Shariifo ay ka mid ahayd saraakiisha ololaha tallaalka cudurka dabaysha.

Dalka Somalia waxaa ka socday tan iyo bishii May olole xooggan oo looga hortagayo cudurka Dabaysha.
XS
SM
MD
LG