Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Dhimaya Tirada Ciidankiisa


Hagel
Hagel
Wargeyska the New York Times ayaa sheegey in maamulka Madaxweyne Obama uu isku diyaarinayo inuu dhimo tirade ciidamada Mareykanka, isla markaana uu ka dhigo mid aad u yar tan iyo Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca ee Pentagon oo diiday in magacyadooda la sheego, ayaa u sheegey wargeyska the Times in Xoghayaha Difaaca Chuck Hagel uu ku baaqi doono in la dhimo tirade ciidamada lana gaarsiiyo inta u dhexeysa 440,000 ilaa 450,000 sannadaha soo socda.

Pentagon ayaa diyaarineysey dhimista tirada ciidamada, oo gaartey 570,000 kadib weeraradi argagixiso ee 11kii September, sannadkii 2001-da.
Hagel waxaa kale oo uu ku baaqi doonaa in gebi ahaanba la baabi’iyo markab loogu talagaley inuu xambaaro diyaaradaha dagaalka, kaas oo horey loogu talagaley in lagu burburiyo taankiyadii dagaalka ee Midowgii Hore ee Soviets-ka.

Go’aanka dhimista ciidamada ayaa lagu qadaa in maanta lagu dhawaaqo.

Wargeyska the Times ayaa sheegey in talo soo jeedinta Hagel ay ka tarjumeyso qorshaha guud ee dhimista kharashaadka dowladda, iyo weliba balanqaadkii Madaxweyne Obama ee soo afjarista dagaalada ay dhaqaalaha lixaadka leh ku baxayaan ee Iraq iyo Afghanistan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhimistaasi ay horseedi karto in la helo ciidan tayeysan oo awood u leh inay cadowga jebiyaan, balse aan awoodin inay ka qeyb qaataan hawlgalo milateri oo dalalka dibedda ah oo muddo dheer qaata.
XS
SM
MD
LG