Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Wasiirrada Masar oo Is-casiley


Raiisul Wasaaraha KMG ee Masar Hazem el-Beblawi ayaa sheegey in golihiisa wasiirrada uu is casiley.

El Beblawi waxaa uu go’aankaasi kaha dhawaaqey televishanada dalkaasi maanta, laakiin maanu bixin sababta ku kaliftey talaabadaasi.

Dowladda ay milatarigu taageeraan ayaa talada Masar haysey tan iyo markii ciidamada ay afgembiyeen Madaxweyne Mohamed Morsi bishii July ee sannadkii tegey.

Masar ayaa isku diyaarineysa inay qabato doorashooyin madaxweyne bisha April, kuwaas oo ay xigi doonaan doorashooyinka baarlaman cusub oo uu dalku yeesho. Waxaa hawlahani ay qeyb ka yihiin qorshaha siyaasadda ee Masar kadib ridistii Morsi.

Taliyaha Guud ee ciidamada General Abdel Fattah el-Sissi weli kuma dhawaaqin inuu u tartami doono jagada madaxtinimada, laakiin xeeldheereyaal badan ayaa aaminsan inuu tartanka geli doono, isla markaana uu heli doono taageero balaaran.
XS
SM
MD
LG