Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukrain: Waan Soo Celineynaa Xiriirkii Yurub


Madaxweynaha cusub ee ku meel gaarka ah ee Ukrain ayaa balan qaaday inuu bilaabayo qorshe cusub oo ku wajahan sidii uu wadankaasi wax ula qeybsan lahaa reer Yurub, maadaama meesha laga saaray madaxweynihii heystay taageerada Ruushka, Viktor Yanukovych.

Afhayeenka Baaralamanka dalkaasi, Oleksander Turchynov, oo muddo dheer xulufo la ahaa hogaamiyaha mucaaradka, ra’iisul wasaarihii hore Yulia Tymoshenko, ayaa axaddii shalay sheegay , saacado un ka dib markii baarlamanka uu u codeeyay inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah in dowladda cusub ay dooneyso inay sidoo dhisto xiriirka derisnimo ee kala dhaxeeya Ruushka.

waxa uu balanqaaday in dowladda cusub uu soo dhisayo berito oo talaada ah, waxaana xubnaha baarlamanka dalkaasi ay ku dhawaaqeen doorashooyin cusub oo dalkaasi ka qabsooma 25 bisha May ee soo socota.

Halka uu jaan iyo cirib dhigay Madaxweynihii la eryay Yanukovych ayaan weli la ogeyn, laba maalmood ka dib markii uu ka carayay magaalada Kyiv, isagoo aaday dhulka ay taageerayaashiisu xooganyihiin ee bariga dalkaasi.
XS
SM
MD
LG