Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Waqooyiga America oo Mexico ku Kulmaya


Heshiiska ganacsiga ee waddamada Pacifigga ayaa la filayaa inuu noqdo qodobka ugu weyn ee ay ka wada hadli doonaan maanta hoggaamiyeyaasha Mareykanka,Canada iyo Mexico.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Raiisul Wasaaraha Canada Stephen Harper ayaa magaalada Toluca kula kulmi doona Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto kulanka ay yeelanayaan madaxda waqooyiga America.

Labaatan sanno kadib markii dalalkan ay gaareen heshiiskii ganacsiga xorta ee Waqooyiga America, ayaa dhaqaalaha saddexda dal uu ahaa mid inta badan isku xiran.

Balse waxaa haatan horyaala caqabado badan oo ku saabsan sidii ay u yeelan lahaayeen mowqif mid ah oo lagu dhameystirayo heshiis ganacsi oo dhexmara 12ka dal ee Pacifiga ku yaalla, waxaana taasi ugu wacan wallaaca siyaasadeed ee Obama ka haysta Washington.

Dhameystirka heshiiskan ganacsi ee Pacifigga ayaa sare u qaadi kara mansabka dhaqaale ee Waqooyiga America ku yeelan karo dhaqaalaha caalamka, waxaana uu Obama taageersan yahay in heshiiskan la soo dhameystiro aakhirka sannadka 2014-ka.

Laakiin waxaa talaabadaasi ka soo horjeeda mudaneyaal ka tirsan isla xisbigiisa Dimoqraadiga.
XS
SM
MD
LG