Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Ethiopia Leedahay oo la Afduubay


Mas’uuliyiinta dalka Switzerland ayaa sheegey inay xireen ninkii afduubtey diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo lagu qasbey inay ku degto Geneva subaxnimadii maanta.

Saraakiisha adeegga duulimaadyada ee Switzerland ayaa sheegey in xaaladda ay deggan tahay , wax dhibaato ahna aaney jirin, kadib markii diyaaraddaas oo ka timid magaalada Addis Ababa, kuna socotey Rome lagu qasbey inay ka weecato khadkeeda.

Swtizerland waxay sheegtey in ninka afduubka geystey uu aha duuliyihii labaad ee diyaaradda.

Ninkaasi waxaa markii diyaaradda ay Geneva soo cagadhigatey uu weydiistey magangelyo in la siiyo.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtey in diyaaradda lagu qasbey inay u jiheysato dhanka Geneva, halkaas oo ay si nabad ah ku degtey. Shirkaddu waxay sheegtey in dhamaan rakaabka iyo shaqaalahii saarnaa diyaaradda ay bed qabaan.

Rakaabka ayaa la sheegayaa in haatan ay bilaabeen inay ka soo degaan diyaaradda.

Afhayeen u hadley dowladda Ethiopia ayaa u sheegey wakaaladda wararka ee Reuters inuu rumeysan yahay in ninka afduubka geystey uu diyaaradda ka soo raacey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan.
XS
SM
MD
LG