Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty oo Warbixin ka soo Saartey J.A. Dhexe


Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegey in ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Jamhuriyadda Afrikada Dhexe aaney si degdeg ah ku gaarin galbeedka dalka si ay uga badbaadiyaan shacabka Muslimiinta in uu xasuuq kaga yimaado maliishiyada Masiixiyiinta ee anti-Balaka loo yaqaano "anti-Balaka".

Warbixin uu soo saarey ururka, ayaa waxaa uu ku sheegey inuu diiwaan geliyey weeraro baahsan oo ka dhan ah Muslimiinta tan iyo horaantii sannadkan. Rabshadahan ayaa sababey in bulshooyin dhan ay degaanadooda ka barakacaan.

Warbixinta waxay sheegeysaa in qaar ka mid ah weerarada dhacay ay ahaayeen kuwo loogu aarayey weeraro lagu qaadey dadka masiixiyiinta oo ay geysteen dagaalyahannada muslimiinta ee Seleka, kuwaas oo weli weeraro ku haya dadka Masiixiyiinta ah.

Amnesty ayaa sheegtey in ciidamada nabad ilaalinta ee Faransiiska iyo kuwa Midowga Africa ay qeyb ahaan ka hortageen dilal baahsan oo dhici lahaa, laakiin sida ay ugu guuldareysteen inay hubka ka dhigaan maliishiyada Seleka iyo anti-Balaka ay ka dhigayaan Musliimiinta kuwo u nugul weeraro lagu soo qaado.

Hay’adda Amnesty ayaa sheegtey inay dooneyso in ciidamada nabad ilaalinta lagu baahiyo goobo kale oo hor leh oo dadka rayidka ay u baahan yihiin badbaadin.
In ka badan 5,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Africa iyo 1600 oo askari oo ka socda Faransiiska ayaa ka hawlgalaya Jamhuriyadda Afrikada Dhexe iyagoo sita oggolaanshaha Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku booriyey Midowga Yurub inay gacan ka geystaan ciidamo badan oo la geeyo dalkaasi ay dagaaladu halakeeyeen.
XS
SM
MD
LG