Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadallada Syria oo Dib u Furmey


Ergeyga Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ee Syria Lakhdar Brahimi
Ergeyga Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ee Syria Lakhdar Brahimi

Wakiilo ka socda dowladda Syria iyo mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweyne Bashar al-Assad ayaa wareeg labaad oo wadahadallo ah ku leh magaalada Geneva.

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta Lakhdar Brahimi, ahna dhexdhexaadiyaha labada dhinac ayaa kulamo gooni gooni ah maanta la leh labada dhinac.

Wadahadalladan ayaa daba jooga wareeg hore oo bishii hore qabsoomay, kaas oo aan wax horumar ah laga gaarin, laakiin Mr Brahimi waxaa uu sheegey in wareeggaasi uu aha bilow fiican.

Waxaa waxaa la isku af garan la’ yahay arrimo la xiriira qaabka loo sameynayo dowlad ku meel gaar ah iyo sida gargaar aadminimo loo gaarsiin karo goobaha lagu hareereysan yahay.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Faransiika Laurent Fabius ayaa sheegey in Faransiisku uu diyaarinayo qaraar uu soo hordhigi doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo gacan ka geysan doona dedejinta kaalmada cuntada iyi dawada la doonayo in la gaarsiiyo goobaha lagu hareereysan yahay.

Hadalkiisa ayaa waxaa uu ka dambeeyey markii maalintii Axadda ilaa 600 oo qof laga soo daadgureeyey goobaha ay mucaaradku ka haystaan magaalada ay dagaalada halakeeyeen ee Homs.
XS
SM
MD
LG