Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Sochi waa Ammaan, Waana la Tegi Karaa


Obama
Obama
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegey inuu aaminsan yahay in magaalada Sochi ee dalka Ruushka ee la qorsheeyey in lagu qabto cayaaraha Olombigga ee xilliga jiilaalka, ay tahay mid amaan ah, isla markaana dadka Mareykanka ay sii wataan qorshahooda ay halkaasi ku tegayaan.

Mr. Obama ayaa wareysi siiyey televishanka CNN, si faahfaahsanna uga hadley cayaaraha Sochi ee furmaya toddobada bisha February. Waxaa kale oo uu ka hadley qorshihiisa cusub ee uu ku dhiirigelinayo shirkadaha waaweyn ee Mareykanka inay shaqooyin siiyaan shacabka ay shaqo la’aantu haysato.

Madaxweynaha ayaa sheegey inuu sii wadi doono inuu aqalka Congress-ka kala xaajoodo sidii looga wada shaqeyn lahaa barnaamijyo qarameedka xilliga fog, sida shaqo la’aanta iyo dib u qaabeynta shuruucda socdaalka. Laakiin waxaa uu dhanka kale sheegey inuu qorsheynayo adeegsiga awooddiisa fulinta si uu u meelmariyo barnaamijyadiisa muhiimka ah.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale sheegey inuu doonayo in shikadaha waaweyn ee Mareykanka ay balanqaadaan in dadka aan shaqeyn muddo aad u dheer aan laga reebin hanaanka qaadashada shaqaalaha cusub ee ay qoranayaan.
XS
SM
MD
LG