Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Lagu Dhaawacay Rabshadaha Thailand


Booliska Thailand ayaa sheegey in ugu yaraan 22 qof lagu dhaawacay qarax ka dhacay magaalada Bangkok xilli ay socdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo uu horkacayey hoggaamiyaha mucaaradka Suthep Thaugsuban.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegey in qaraxa uu duhurnimadii maanta ka dhacay caasimadda. Sawirada televishanada ayaa soo bandhigey dhowr ka mid ah dadkii banaanbaxyada dhigayey oo dhiig badan uu daboolay jirkooda, laakiin ilaa iyo haatan lama hayo dad ku dhintey rabashadahaasi.

Dadka banaanbaxyada dhigayey ayaa la arkayey iyagoo dhismayaasha ka raadinaya dadka aan la aqoon ee weerarka geystey, iyadoo gawaarida gargaarka degdegga ay gurayeen dadka dhaawaca ah. Booliska ayaa baaraya nooca walxaha qaraxa ee weerarkaasi loo isticmaaley.

Hoggaamiyaha banaanbaxyada Suthep ayaa ku baaqaya in gole aan la soo dooran ay bedelaan dowladda haatan jirta, oo uu ku sheegey inay tahay mid uu hareeyey musuqmaasuq iyo eex.

Raiisul Wasaare Yingluck Shinawatra ayaa diidday inay is casisho.

Waxay ku adkeysaneysaa in la qabto doorashooyin waqtigooda laga soo hormariyey labada bisha February, walow mucaaradka ay sheegeen inay qaadici doonaan doorashadaasi.
XS
SM
MD
LG