Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag loo Maxkamadeynayo Weerarkii Westgate


Hussein Hassan Mustafa sitting at court in Nairobi.
Hussein Hassan Mustafa sitting at court in Nairobi.
Dalka Kenya ayaa waxaa maanta ka bilowdey maxkamadeynta afar nin oo Soomaali ah oo loo heysto ku lug lahaanshaha weerarkii Westgate ka dhacay bishii September ee sanadkii hore.
Afartan nin oo lagu kala magacaabo, Adan Mohamed Abdikadir, Mohamed Ahmed Abdi, Liban Abdullahi Omar iyo Hussein Hassan Mustafa ayaa iska fogeeyey danbiyadii lagu soo eedeeyey.
Markhaatiyaal ku jirey gudaha suuqa Westage ayaa maxkamadda u sheegay sidii ay kooxdii weerarkaasi ka danbeysay ay u qabsadeen suuqa Westage, isla markaasna rasaasta iyo bambooyinka u tuurayeen.
Sidoo kale waxaa maxkamada laga aqriyey magacyada laba nin oo la rumeysan yahay in ay ka mid ahaayeen raggii weerarkaasi geystey kuwaasoo lagu kala sheegey Mohamed Abdinur Said iyo Hassan Abdi dhuxulow oo la sheegey inuu muddo ku noolaa dalka Norway.
Dacawaddan ayaa la filayaa in ay maalmo socon doonto.
XS
SM
MD
LG