Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashadii Puntland oo la Isku Diyaarinayo


Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shaaciyey liiska kama-dambaysta ah ee musharrixiinta ka qaybgalaya doorashada madaxweynennimada oo dhacaysa Arbacada 8-da Jannaayo.

Guddiga ayaa shaaciyey in 11 musharrax ay u taagan yihiin madaxwyenenimada, halka 10 musharraxna ay u taagan yihiin madaxweyne ku xigeennimada.

Guddoomiyaha Guddigaas Saadiq Abshir Garaad ayaana sidaasi saxaafadda u sheegay.

Dhinaca kalena Iyadoo laba maalmood uun ay inaga xigto qabsoomidda doorashada madaxtinimada maamul goboleedka Puntland, ayaa maamulka waxaa uu dejiyey qorsheyaal lagu sugayo amniga inta lagu guda jiro hawlaha doorashada.

Doorashadan ayaa u muuqata mid si adag loogu tartamayo, xamaasaduna ay sareyso.
Dhanka kale qeybaha sida aadka ugu hawlan doorashada madaxtinimada maamul goboleedka Puntland waxaa ka mid ah saxaafadda gudaha iyo tan caalamka.

Warbixinno la xidhiidha doorashooyinka Puntland oo ay soo direen wariayaasha VOAda ee Garowe iyo Boosaaso ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:15:49 0:00
XS
SM
MD
LG