Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Baarlamaanka Cusub oo La Dhaariyay


Garowe
Garowe
Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu dhaariyay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulka Puntland.

Xildhibaanadan ayaa oo dooran doona madaxweynaha maamulkaasi yeelanayo doorashada dhici doonta toddobaadka danbe.

Xaruunta Golaha Wakiilada Puntland ayaa lagu dhaariyey Xil-dhibaanada cusub ee beeluhu iska soo xuleen, kuwaas oo gaaraya 66 Xil-dhibaan.

Xildhibaanadan ayaa xilka hayn doona tan iyo sandka 2019ka.

Munaasabadda dhaarta waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha hadda xilka haya Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore e Puntland Gen.Cade Muuse, iyo qaar kamid ah Musharixiinta 2014, Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Isimmada Puntland.
XS
SM
MD
LG