Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Koonfuurta Sudan oo Aqbashey Xabbad Joojin


South Sudan IGAD Summit in Nairobi
South Sudan IGAD Summit in Nairobi
Dowladda Koonfuurta Sudan ayaa aqbashey xabbad joojin dalka ka dhaqangasha si loo soo afjaro dagaalada ka dhashey hardanka dhanka awoodda ee dhowaan halkaasi ka bilaabatey.

Baaqan xabbad joojinta ayaa waxaa la jeediyey kadib markii madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ay kulan ay arrimaha Koonfuurta Sudan kaga hadlayaan ku yeesheen magaalada Nairobi.

Afhayeen u hadley wasaaradda Arrimaha DIbedda ee Koonfuurta Sudan, Mawien Makol Arik, ayaa VOA u sheegey in xabbad joojinta ay dowladdu ku dhawaaqdey ay degdeg u dhaqangeli doonto.

Dagaalada ka jira Koonfuurta Sudan ayaa ka qarxey magaalada caasimadda ah ee Jubba, bishii December 15keeda, waxayna ku faafeen dalka intiisa kale, iyadoo sare ay u kacdey is haysadka dhanka awoodda ee u dhexeeya Madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo madaxweyne Ku Xigeenkiisii hore Riek Machar, oo ah ninka ay sida weyn isku hayaan.

Dagaalkaasi ayaa meelaha qaarkood kala qeybiyey militariga dalka, waxaana ka dhashey dagaalo dhanka isirka ku saleysan.

Arik , afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaa uu sheegey in Mr Machar uu haysto saddex maalmood oo uu kaga soo jawaabo baaqa xabbad joojinta.

Wararka ka imanaya Koonfuurta Sudan ayaa sheegaya in Riek Machar, uu sheegey in xabad joojin kasta oo la doonayo in la dhaqangeliyo, ay khasab tahay inay noqoto mid dhab ah oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana noqota mid dusha laga eegayo.
XS
SM
MD
LG