Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ciidan dhan 150 askari oo kuwa badda ah ay diyaar u yihiin inay galaan Koonfurta Suudaan si ay gacan uga gaystaan daadguraynta muwaadiniinta Maryakanka una ilalaiyaan dhismayaashooda.
Taliyaha miltariga Maraykanka ee Afrika ayaa VOA u sheegay in ciidan khaas ah lagu diyaariyey dalka Jbauuti oo Maryakanku saldhig ku leeyahay si ay degdeg iga jawaabaan xaaladda Suudaan haddii loo baahado.
Maraykanku waxay dalkaasi ka daadgureeyeen dad badan oo Maraykan ah tan iyo intii xiisadda ciolaadeed ka dhex dillaacday taageerayaasha Madwxeynaha iyo ku xigeenkiisii hore.
Q.M ayaa sheegtay in dagaalku uu barakiciyey ilaa 100 kun oo qof, kuwaasi oo in ka badan 40 kun ay gabbaad ka dhigteen saldhigyada Q.M
Golaha Ammaanka ee Q.M ayaa la filayaa in maanta oo Talaada ah cod u qaadaan in waddankaasi la geeyo 5,500 kun oo ciidamo dheeraad ah.
Maraykanku waxa uu sheegay in xubnaha Golaha Ammaanku ay taageersan yihiin qorshashahaasi.