Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gargaar Dhinaca Hawada ah oo Gaaray Syria


Qaramada Midoobay ayaa bilowday inay gargaar ban’idaadaminimo hawada uga daadiso dadka reer Syria, iyada oo laga qaadayo woqooyiga dalka Ciraaq.


Ka dib markii cimiladu ay daahisay, ayaa dayuurad nooca xamuulka qaadda ahi ay Axaddii shalay ka duushay magaalada Erbil ee Kurdistanta Ciraaq, taas oo duulimaad hal saac ah qaatay ay ku gaartay woqooyi-bari dalka Syria.

Barnaamijka Cuntada ee QM ee WFP ayaa sheegay in cuntada la diro ay 12-ka maalmood ee soo socdaa ku filaan doonto dadka 6-da kun ee qoys ee Syrianka ah inta bisha December ka harsan. Duulimaadyadan gargaarka wada ayaa sidoo kale qaaday bustayaal, dawooyin, iyo dhar.

Duulimaadyada ayaa dib u dhacay toddobaadkii hore jiilaalka daran ee gobolka bariga dhexe ku dhuftay dartii. Dawladaha Syria iyo Ciraaq ayaa labaduba ogolaaday duulimaadyada.

Dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Syria ayaa barakiciyey boqolaal kun oo qof.
XS
SM
MD
LG