Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Linda Greenfield oo Booqatay Muqdisho


Madaxweyne Xasan iyo Ambassador Linda
Madaxweyne Xasan iyo Ambassador Linda
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee Arrimaha Africa, Linda Greenfield ayaa booqasho gaaban ku tagtay Muqdisho, waxay sheegtay in Maraykanka ay ka go'an tahay taageerista Somalia.

Greenfield waxay kulamo la qaadatay madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka, iyagoo ka wada hadley xaaladda Soomaaliya iyo sida Maraykanka iyo beesha caalamkuba ay u taageeri karaan Soomaaliya.

Linda waxay sheegtay in dowladda Maraykanku ay sii wadayso taageerista ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dagaalka lagula jira ururka al-Shabaab.

Linda waxay sheegtay inay waajib tahay in laga hortago ama la wajaho halista argagixisada, oo ah halis aan kaliya ka jirin Soomaaliya, balse ka jirta gobolka oo dhan.

Linda waxay ku boorisay Soomaaliya in la difaaco lana dhowro xuquuqda aadanaha.
XS
SM
MD
LG