Maalinta berrito ah waxa magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ka furmaya xaflad loogu dabaaldegayo qowmiyadaha Ethiopia oo sanad walba gobol gaar ah lagu qabto.
Xafladdan oo ah tii ugu horeysay ee Dawlad degaanka Soomaalida Ethiopia lagu qabto, ayaa ka qeyb galaya marti ka socota ilaa 20 dal, iyada oo madaxda iyo saraakiil maamulada Soomaalida iyo kuwa Dawladda Federalka ee Somalia ay ka mid yihiin dadka xafladda ka qeyb galaya.
Hadda waxa magaalada Jigjiga ku sugan wariyaha VOAda ee Woqooyi bari Kenya, Maxamed Faarax Shire. Iyada oo ay markii ugu horaysay ee Dawlad Degaanka Ethiopia uu tago ayaa waxa Shire uu marka hore Maxamed Cabdi Sandhere uga waramayaa wixii uu degaanka ku arkay.