Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka oo Diiday in RW Saacid uu La Hadlo


Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Raiisul Wasaaraha Somalia Abdi Farah Shirdon ayaa ka dalbadey baarlamanka in la siiyo fursad uu baarlamana ku hortago si uu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeedinayo ee ah in xukuumadiisa aysan waxba qaban.

Warkan ka soo baxay xafiiska raiisul wasaaraha ayaa imanaya wax yar kadib markii baarlamanka Somalia uu bilaabey ka doodista mooshin ka dhan ah raiisul wasaaraha, iyadoo isla markaana baarlamanku uu cid ku diidey in raiisul wasaare Saacid uu baarlamanka ka hadlo.

“Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah” sidaana waxaa lagu xusey qoraalka ka soo baxay xafiiska raiisul wasaaraha.
Raiisul wasaaraha ayaa sheegey in xukuumaddu ay diyaarisey qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay.
XS
SM
MD
LG