Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mooshin ka dhan ah Saacid oo Baarlamaanka loo Gudbinayo


Ra'iisul wasaare Saacid
Ra'iisul wasaare Saacid
Mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo lagu wado in loo gudbiyo fadhiga ugu horeeya ee baarlamaana ayay saxiixeen Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Khadiija Maxamuud Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa VOAda uga warrantay mooshinkan iyo ujeedada ka dambaysa iyo tirada xildhibaanada saxiixay.

Dhinaca kalena waxaa jira mudanayaal ka tirsan isla baarlamaanka Somalia oo ka soo horjeeda Moshinkaasi ay xildhibaanadu ku dalbanayaan in codka kalsoonida loo qaado xukuumada uu hogaamiyo Ra iisal wasaare Saacid.

Faysal Warsame Maxamed oo ah gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada ee baarlamanka oo ka mid ah xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinkan ayaa isaguna uga warrmay VOAda sababta ay u diidanyihiin Mooshinkan.

Waraysiyada labada xildhibaan oo dhameeystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Waraysiga Xildhibaanada - 10:49
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:47 0:00
XS
SM
MD
LG