Isku xirrada

War Deg-Deg ah

GA oo Diiday Dib u Dhigista Dacwadda Kenyatta


Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday in dib loo dhigo muddo sannad ah dhegaysiga dacwadaha loo haysto madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa.

15ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa ku kala qaybsamay iyada oo 7 dal oo ka mid ah ay qaraarkan ogolaadeen halka 8 kalena ay ka aamuuseen.

Dalalka u ololaynayay in qaraarkan la ansixiyo ayaa ku guul daraystay inay helaan 9ka cod ee looga baahnaa xubnaha golaha ammaanka si uu go'aanka dib u dhigistu u meel maro.

Madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa labaduba ku eedaysan dambiyo ka dhan ah bini aadminimada iyada oo lagu eedaynayo inay ka qayb qaateen rabshadhihii ka dambeeyay doorashadii madaxtiminada ee Kenya 2007 kuwaasi oo ay ku dhinteen in kabadan kun iyo boqol qof . Labada mas’uul ayaa iyagu diiday eedaymahaasi iyagoo iska fogeeyay dambiyada lagu eedaynayo.

Dhegaysiga dacwadda lagu haysto madaxweyne Kenyatta ayaa la qorshaynayay inay ka bilaabanto maxakamadda dambiyada caalamiga ah ee Hague horaantii todobaadkan, laakin waxaa dib loo dhigay ilaa iyo 5ta bisha February.

Qaraarkan la doonayay in dib loogu dhigo dacwadda ilaa muddo sanad ah ayaa waxaa u ololaynay midawga Africa waxaana la hordhigay golaha amaanka inkasta oo la filayay inaanu helin doonin 9ka cod ee loo baahanyahay

Danjiraha Kenya u fadhiya qaramada midoobay Macharia Kamau ayaa aad uga xumaaday natiijada codbixinta
XS
SM
MD
LG