Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirro kula Taliyay RW Saacid inuu Is Casilo


Madaxweyne Xassan iyo Ra'iisul-wasaare Saacid
Madaxweyne Xassan iyo Ra'iisul-wasaare Saacid
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta uu dhacay kulan dhexmaray Ra’iisul-wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo in kabadan 15 xubnood oo isugu jira wasiirro iyo wasiirro kuxigeenno ka tirsan xukuumaddiisa.

Kulankan ayaa looga doodday ismaadhaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Somalia.

Saraakiil kulankan ka qeybgalay oo magacooda qariyay sababo ay ugu wacan tahay inaan loo fasixin inay warbaahinta la hadlaan ayaa VOA u xaqiijiyay in wasiirraddu ay Ra’iisul-wasaaraha kula taliyeen inuu xilka ka dago oo uu is casillo.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu xubnahaasi u sheegay inuu jawaab ku soo celin doono kana fiirsan doono talladooda.

Ra’iisul-wasaare Saacid ayaa war-saxaafadeedd uu shalay soo saaray ku sheegay inuu jiro ismaadhaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, isagoo sheegay inuu yahay ismaadhaaf dastuur ah, laguna xalin karo ku dhaqanka dastuurka Soomaaaliya.
XS
SM
MD
LG