Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Heshiis laga Gaaray Celinta Qaxootiga


Dawladaha Somalia iyo Kenya ayaa shaaciyey inay heshiis ka gaareen in qaxooti Soomaali ah oo ka badan 1 milyan oo Kenya ku sugani ay si isxilqaan ah dalkooda ugu noqdaan. Heshiiskan oo maanta la gaaray ayaa waxa ku dhawaaqay madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Fowzia Yuusuf Xaaji Aadam. Heshiisku ma sheegayo xilli go’an oo qaxootiga la celinayo, hase yeeshee waxa uu qeexayaa in illaa 3 sano ay qaadan karto. Saraakiil labada dalka ka tiran ayaa sheegay in qaxooti Soomaali ah oo gaaraya 80 kun ay dantood Somalia ugu noqdeen dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Marwo Fowzia ayaa marka hore ka hadlaysa faahfaahinta waxa heshiiska ku jira.

Dib u noqoshada qaxootiga Soomaalida - 4:41
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00
XS
SM
MD
LG