Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hogaamiye ka Tirsan Mucaaradka Syria oo iscasilay


Syria: 200 qof oo lagu dilay Homs
Syria: 200 qof oo lagu dilay Homs
Hogaamiye sare oo ka tirsan jabahadda ciidamada xurta ah ee Syria ee uu Mareykanku taageero ayaa sheegay inuu iscasilay, isagoo ka xun dagaalka ka dhaxeeya kooxaha mucaaradka Syria ee isku dayaya inay afgambiyaan madaxweynaha Syria Bashaar Al-asad.

Cabdul Jabaar Aka’yidi oo ah Kornel hogaaminayay dagaalkii weynaa ee bishii July sanadkii 2012kii ay mucaaradku ku qaadeen Magaalada Aleppo ayaa sheegay inuu shaqada uga tago, si uu u muujiyo inuu aad uga xunyahay khilaafka mucaaradka ka dhaxeeya.

Waxaa kaloo uu sheegay inuu aad uga xunyahay guul darrada beesha caalamka ee ku aadan arimaha Syria.
XS
SM
MD
LG