Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyihii Bankiga Dhexe oo Is Casishay


Bankiga Dhexe ee Somalia
Bankiga Dhexe ee Somalia
Xukuumadda Somalia ayaa xaqiijisay in Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia Yussur Abraar ay xilkii iska casishay.

Sarkaal ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa u sheegay VOA in Yussur Abraar ay istiqaalada gudbisay 30kii October iyada oo qoraal ahaan ugu dirtay Madaxawene Xasan Sh Maxamuud.

Yussur Abraar oo ahayd haweenaydii ugu horaysay ee loo magacaabo Jagada Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia ayaa waxaa xilkan loo magacaabay bishii September.

Guddoomiyaha ayaa warqadda istiqaalada ku xustay in tan iyo markii xilka loo magacaabay si isdaba jooga looga codsaday inay ku xadgudbto mas’uuliyadda ay u haysay umadda.

Laakin sarkaal ka tirsan xukuumadda oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo maadaama oo anu fasax u haysan inuu ka hadlo arrintan ayaa VOAda u sheegay in eedaymaha ay soo jeedisay guddoomiyuhu ay waxba kama jiraan yihiin.

Mas’uulkan ayaa intaas ku daray in Guddoomiyaha Bankiga dhexe tan iyo markii la soo magacaabay ay Muqdisho tagtay todobaadkii hore, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu ku aaminay inay dib u habayn ku samayso hannaanka maaliyadda, laakin mas’uulkan ayaa ku tilmaamay guddomiyaha inay xilkaasi ka baxsatay.

Yussur Abraar ayaa muddo badan ku noolayd dalka Maraykanka ka hor intii aanu magacaabin madaxwenuhu.

Sarkaalkan ka tirsan dawladda Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Yussur Abraar ay markii ugu horaysay ku kulmeen shirkii “Hiigsiga Cusub” ee lagu qabtay Brussels, shirkaasi oo Somalia loogu yaboohay lacag gaadhaysa 2.7 billion oo doolaar.

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay bishii July ayaa lagu xusay in musuqmaasuqu uu halkiisii ka socday iyada oo ay timid dawladd cusub.

Qaramada midoobay aya xustay in 80% lacagta laga saaro bankiga dhexe loo adeegsado si gaar ah.

Dawladda Somalia ayaa gaashaanka ku dhufatay eedaymahaasi.
XS
SM
MD
LG