Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afti uu Iskiis Isaga Qaaday Qabiil Degga Abyei


Qabiil dega gobolka Abyei ee ku yaala xadka dalalka Sudan iyo Koonfur Sudan- lahaanshihiisa ay ku muransanyihiin labada dhinaca, ayaa cod iskiis ah u qaaday Axadii shalay labada wadan dhinaca ay go’aansanayaan inay ku biiraan.

Afti qaadistan oo muddo sadex maalmood ah ka socotay gobolka Abyei
ee saliidda hodanka ku ah ayaaney wax caqabad ah kala kulmin dhinacyada isku haya, laakiin ma cadda in natiijada aftidaasi ka soo baxda uu dhinaca laga guuleysto aqbali doono iyo in kale.

Sudan iyo Koofur Sudan ayaa labaduba awoodi waayay in afti uu ka qabto halkaasi raasoo muddo bila ah hakad gelisay Afti qaadista.

Xukumadda Khartoum ayaa dalbaneysay in qowmiyadda ay xulufada yihiin ee reer guuraaga ah ee Misseriya iyo qowmiyadda gobolka ku badan ee Dinka ay si isku mid ah u codeeyaan, halka xukumadda Jubba ay dooneysay in afti qaadista lagu koobo oo kaliya qowmiyadda Dinka ee ay xulufadayihiin.
XS
SM
MD
LG