Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Lagu Dhaawacay Muqdisho


NUSOJ
NUSOJ
Dabley hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dhaawacay weriye Soomaaliyeed oo u shaqeeya telefiishanka UNIVERSAL.

Weriyahan oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Timacadde ayaa waxaa ku dhacey ilaa lix xabbadood, isagoo haatanna ku jira cisbitaalka Madiina.

Dr. Dr. Cabdi Maxamed Cilmi (Dr. Xangul) oo ka mid ah dhakhaatiirka Cisbitaal Madiina ayaa VOA u sheegay in xaaladda caafimaad ee weriyuhu ay tahay mid aad halis u ah.

Ururka saxafiyiinta ee NUSOJ ayaa canbaareeyay weerarka weriyaha.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna si kulul u canbaareeyay weerarkaasi, wuxuuna hay'addaha amniga ku amray in sharciga la horkeeno ciddii weerarkan ka danbeysay.
XS
SM
MD
LG