Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageysigii Dacwadda Dahabshiil iyo Barclays


.
.
Maxkamad ku taalla magaalada London ayaa lagu soo gaba-gabeeyay dhageysiga dacwad ay shirkadda xawaaladda Dahabshiil ku dooneyso in Bankiga Barclays ee dalka Britain uu ka noqdo go’aanka uu doonayo inuu ku joojiyo adeegga lacagaha Somalia loo xawilo ee Barclays la sii mariyo.

Garoosraha maxkamadda ayaa la filayaa inuu go'aan arrintan la xiriirto soo saaro toddobaadka soo socda. Bangiga Barcalays ayaan xiri doonin xisaabaadka shirkadda Dahabshil ilaa garsooruhu uu go'aan rasmi ah soo saaro, sidoo kale shirkadda Dahabshil ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqadii shirkaddu ay si caadi ah ku sii socon doonto ilaa maxkamaddu ay go'aanka ugu danbeeya soo saarto.

Qareenka u doodaya Dahabshiil, Alan Maclean, ayaa maxkamadda u sheegey in Barclays haddii ay xirto xisaabaadka Dahabshil uu jebinayo sharciga tartanka shirkadaha.

Bankiga Barclays ayaa ku doodaya in go’aankeeda xirista xisaabaadka Dahabshil uu salka ku hayo iyadoo aaney goobaha ay Dahabshiil u dirto lacagta aaney ka jirin shuruucda iyo hanaanka looga hortagi karo lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu diro.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:57 0:00
XS
SM
MD
LG