Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AU: Dib Haloo Dhigo Dacwadda Madaxda Kenya


Madaxda Africa ayaa ugu baaqay maxkamadda ICC inay dib ugu dhigto dacwadda ka dhanka ah Uhuro Kenyatta iyo William Ruto. Madaxda waxay kaloo ICC ku eedeeyeen inay si aan xaq ahayn ay ula dhaqanto Africa.

Hoggaamiyayaasha qaaradda Africa oo shir maanta ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa waxay ka doodeen xiriirka u dhaxeeya maxkamadda caalamiga ee danbiyada ICC iyo qaaradda Africa.

Madaxdan ayaa canbaareeyay maxkamadda ICC oo ay sheegeen inay si gaar ah u bartilmaameedsanayso dadka Africaanka ah.

Madaxda Africa ee Addis Abbaba ku shiray ayaa go’aamiyay inaan maxkamadda Hague ee ICC la horkeeni karin madaxweyne ama madxweyne-kuxigeen African ah inta uu xil haya.

Madaxdan waxay sidoo kale ku baaqeen in maxkamaddu ay dib u dhigto dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha Kenya, Uguru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto.

RW Ethiopia Hailemariam Desaleng oo ka hadlay kulanka ayaa wuxuu sheegay inaan la aqbali kjarin hab la dhaqanka aan cadaaladda ku salaysneyn ee ICC ay ula dhaqanto Africa.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bisha danbe lagu wadaa inuu hortago maxkamadda ICC, halka kuxigeenkiisa Mr. Ruto ay haatan maxkamadda uga socoto dacwad. Labadoodaba waxaa loo haystaa inay ku lug lahaayeen qul-qulatooyinkii dhiiga badan ku daatay ee dalka Kenya ka dhacay kadib doorashadii sannadkii 2007-dii.

Maxkamadda ICC waxay kaloo doonaysaa in la soo xiro madaxweynaha Sudan cumar Al-Bashir oo kulanka maanta ka qeybgalay.

Lama oga jawaabta ama go'aanka ay maxmakadda ICC ka bixin doonto go'aankan ay qaateen madaxda qaaradda Africa.
XS
SM
MD
LG