Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Sheegay Hadafka Weerarkii Baraawe


Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in bartilmaameedka weerar ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen degmada Barawo ee koonfurta Somalia Sabtidii la soo dhaafay, uu ahaa nin u dhashay dalka Kenya oo kooxda Al-shabab la shaqeeya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Obama ayaa ku tilmaamay ninka ay ciidamada Mareykanka ku raad joogeen, Cabdulqadir Maxamed Cabdulqadir, oo ah Kenyan asalkiisa Somalia ka soo jeeda, kasoo sidoo kale loogu yeero “Ikrima”

Sarkaalka ayaa sheegay in Cabdulqadir uu yahay dagaalyahan shisheeye oo taliya sare ka dhex ah Alshabab, isla markaana xiriir dhow la lahaa Fazul Abdullah Mohammed oo sidoo kale loo yaqaanay Harun Fazul iyo Salex Nebhan, oo wax looga tirinayo qaraxyadii bambaano ee safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania lagu qaaday sanadkii 1998dii.

Harun Fazul ayaa waxaa toogtay isagoo baabuur wata ciidamada dowladda Somalia 7dii bishii June sanadkii 2011kii, xilli uu isku dayayay inuu xoog ku jiiro fariisin ay ciidamadu ku lahaayeen Kontoroolkii hore ee Afgoye ee Magaalada Muqdisho.

Salex Nebhan ayaa isaga waxaa meel ku dhow magaalada Baraawe ku toogtay ciidamada sida gaarka ah u tababarn ee Mareykanka sanadkii 2009kii.
XS
SM
MD
LG