Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uhuru: Waan Soo Afjarnay Howlgalkii Westgate


Madaxweynaha oo televishanka kala hadlayey shacabka ayaa sheegey in shan ka mid ah dadkii weerarka geystey la diley, isla markaana 11 qof oo lagu xiriirinayo weerarka dhacay in gacanta dowladda ay ku jiraan.

Waxaa uu sheegey in Kenya ay ceebeysey isla markaana ay jebisey kooxda weerarka soo qaaddey, hase yeeshee waxaa uu qirey in khasaaraha Kenya ka soo gaarey Kenya uu ahaa mid weyn, iyadoo sida uu sheegey ay dhinteen 61 qof oo rayid ah iyo lix askari.
Waxaa beri Kenya ka dhaqangaleysa saddex maalmood oo baroordiiq ah oo lagu xusayo dadkii waxyeelada ay ka soo gaartey dhibaatada Westgate.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegey in meydad badan ay ku hoos jiraan burburka qeybo ka mid ah dhismaha Westgate oo soo dumey, isla markaana ya socoto hawlgal meydadkaasi lagu soo saarayo.

Dhanka kale barta twitterka ee Al Shabab ayaa lagu sheegey in fariin cod ah oo ku saabsan weerarka Westgate uu dhowaan soo saari doono hoggaamiyaha Al Shabab Ahmed Godane.
XS
SM
MD
LG