Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo safar ku joogo dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulumo laqaatey Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkan Mareykanka John Kerry, Wasiirka Gaashaandha Chuck Hagel, Lataliyaha Amniga Qaranka Susan Rice , iyo Congaresman Keith Ellison.
Kulamadan ayaa waxay shalay iyo xalay ka dhaceen Aqalka-Cad, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagonka, Dhismaha Congresska ee Capitol,iyo xarunta Wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanka ee magaaladan Washington.
Mahadcelin uu u jeediyay dowladda Mareykanka doorka ay ku leedahay kaalmeynta dowladda Somalia, ka dib ayuu Madaxweynaha waxyaabihii uu kulamadiisa uga hadlay waxaa ka mid ahaa lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliy, waxuuna sheegay in haatan Somalia ay ka jirto Rajo wax walibana ay ku soo noqonayaa si caadi ah.
Gelinkii hore ee shalayna Madaxweynaha waxuu qudbad uu kaga hadlayay wax qabadka dowladiisa mudadii sanadka aheyd uu uu xafiiska hayay, su’aalana laga weydiinayay uu ka jeediyay kulan ka dhacay Xaruunta Caalamiga ah ee Woodrow Wilson.