Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Somalia oo la Kulmay John Kerry


Madaxweynha Somalia Xasan Sh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay shalay galab soo gaadheen caasimadda Washington ayaa waxaa uu kulan kula yeeshay xaruunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Xogahayaha aariimaha dibadda John Kerry.

labada mas’uul waxay si kooban ula hadleen saxaafadda waxaana ugu horrayn xogahaya arrimaha dibadda ee maraykanka John Kerry uu soo dhaweeyay madaxweynaha Somalia, waxaana uu faahfahin ka bixiyay sida ay dawladda maraykanku ugu niyad santahay isbedelda ka dhacay Somalia, isaga oo xusay in dawladda Maraykanku taageersantahay dadaalka ka socda Somalia.

Kerry ayaa tilmaamay in hawl wanaagsan la soo qabtay waxaana uu ku baaqay in la sii wado dadaalka nabadaynta iyo dib u heshiisnta iyo meel marinta dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh Mxamuud oo intaas kadib saxaafadda la hadlaya ayaa waxa uu ka warbixiyay xaaladda Somalia iyo arrimaha hor yaalla dawladd federaalka ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in socdaalkoodu yahay mid tala ururin ah oo ku aaddan sida lagu gaadhi karo higisaga Somalia.

Qaybta hoose ka dhegayso warbixin ku saabsan kulanka

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00
XS
SM
MD
LG