Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Xeryaha Ciidanka oo Dib loo Eegayo


Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Chuck Hagel ayaa amray in dib loo eego ammaanka dhammaan dhismayaasha ciidanka militariga ee Maraykanka, ka dib markii nin hub sitay uu dilay 12 qof Isniintii dhaweyd. Dilka ayaa ka waxa uu ka dhacay xero ciidanka baddu ku lahaa magaalada Washington.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in Arbacada maanta ah lasoo bandhigi doono faahfaahinta dib u eegista.

Ninkii dilka geystay oo 34 jir ahaa, magaciisuna ahaa Aaron Alexis, ayaa waxa toogtay iyo dilay booliiska, ka dib markii uu rasaas badan furay. Hay’adda sirdoonka ee FBI ayaa sheegtay in aan cidna falka dilka ah Alexis ku wehelin, xeradana uu kusoo galay warqad aqoonsi oo sax ah. Wixii ku riixay dilka ayaan ilaa iyo hadda la garaneynin, hase yeeshee booliiska ayaa sheegay in aanay jirin caddeyn muujinaysa in uu argagixiso xiriir la leeyahay.

Dabmi baareyaasha ayaa sheegay in Alexis uu qabay shaki, hurdo xumo, isla markaana uu horay u sheegtay inuu codad madaxiisa ka dhex maqlo, qoysiiskuna waxay sheegay in xanuunka maskaxda mar hore laga daweeyey.

Shirkadii qandaraaska ku shaqaaleysiisay ayaa sheegtay in Alexis uu ka shaqeeyey ugu yaraan 6 xero ciidan, intii u dhaxaysa bilihii July iyo August, isaga oo aan wax dhib ah geysan
XS
SM
MD
LG