Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab Qabsaday Kaalin Shidaal Magaalada Muqdisho



Dabkan xooggan ayaa ka kacay agagaarka daarta Seey Biyaano ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sababay in dad badan oo ku noolaa guryaha ag dhow dabka inay guryahoodii naf ugala baxsadaan.

Dabkaasi ayaa ku sii faafaya guryo iyo goobo ganacsi oo ku dhow dhow halka uu dabka ka bilowday.

Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka Dab Damiska ayaa u sheegay VOAda in weli ay la tacaalayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen dabkaasi, oo sida uu sheegay dad ay waxyeelo ka soo gaartay,

Weli qasaaraha nafeed ee ka dhashay dabkan lama oga.

Dadweyne Fara badan iyo qaar ka mid ah dabdamisyada maamulka Gobolka Banaadir ayaa la arkayay iyagoo la tacaalaya dabka oo si weyn ugu faafay dukaamo, guryo iyo meherado kale oo kala duwan.


XS
SM
MD
LG