Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Waxaan Go'aansaday in la Weeraro Syria


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu go'aansaday in Maraykanku uu weerar ku qaado dalka Syria kadib markii dalkaaasi uu isticmaallay hubka kiimikada.

Mr. Obama oo shacabka Maraykanka kala hadlay aqalka Cad ayaa wuxuu sheegay in weerarkani uusan noqon doonin faragelin aan dhammaad lahayn iyo ciidan ka socda Maraykanka oo gudaha u gala dalka Syria, balse uu noqon doono weerar xaddidan oo muddo kooban soconaya.

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay in weerarku uusan bilaaban doonin ilaa ogolaansho uu ka helo aqalka congresska Maraykanka.

Obama wuxuu sheegay in tacadigii dhacay ee hubka kiimikada loo istimcaalay aysan kaliya kaliya ahayn in la baaro, balse ay sidoo kale tahay in laga horgago.

Barack Obama, wuxuu sheegay in Maraykanku uusan iska indho tiri karin wixii ka dhacay magaalada Dimishiq.


Xubnaha aqalka congress-ka Maraykanka ayaa haatan fasax ku maqan, waxaana filayaa inay bilaabi doonaan inay ka doodaan qorshaha madaxweynaha ee ka dhanka ah Syria maalmaha ugu horreeya ee bisha September.
XS
SM
MD
LG