Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mugabe oo Shan Sano oo Kale Loo Dhaariyay



Xafladda Dhaarinta hogaamiyaha 89 jirka ah ee dalka Zimbabuwe Robert Mugabe ayaa dhacday maanta oo Khamiis ah, ka dib markii ay dib u dhigeen muran iyo is qabqabsi ka dhashay doorashadii madaxtinimo ee dhawaan dalkaasi ka dhacday.

Mruranka ayaa ka soo wajahay ninka ay sida weyn isku hayaan, hogaamiyaha xisbiga MDC Morgan Tsvangirai.

Xisbiga MDC ayaa sheegay codbixintii dadku ay u dareereen 31kii bishii July in lagu shubtay, hase yeeshee salaasadii la soo dhaafay, ayaa maxkamadda Dastuuriga ah ee waxey meesha ka saartay naqdinta mucaaradka ee doorashada.

Ra’isul Wasaaraha talada ka sii degeya Tsvangirai ayaa sheegay in aaney qorshaha ugu jirin inuu ka qeyb galo xafladda caleema saarka oocaawa dhaceysa.

Afhayeen u hadlay Tsvangirai spokesman oo la yirahdo ((Luke Tamborinyoka)) ayaa ku tilmaamay doorashadii dalkaasi ka dhacday mid la xaday, sidaa daraadeedna waxuu sheegay in Tsvangirai uusan ka qeybgali karin xaflad ay martigelinayaan sida uu hadalka u dhigay dad burcad ah.

Mr. Mugabe ayaa soo xukumayay dalkaasi Zimbabwe, tan iyo markii uu dalkaasi qaatay madax banaanidiisa sanadkii 1980kii.
XS
SM
MD
LG