Isku xirrada

War Deg-Deg ah

China: Bo Xilai oo Fadeexad Siyaasadeed Wajahaya

In this image taken from video, disgraced politician Bo Xilai, center, stands in the courtroom, flanked by police guards at Jinan Intermediate People's Court in eastern China's Shandong province, Aug. 22, 2013.

Siyaasiga waji gabaxu heysto ee Shiinaha, Bo Xilai, ayaa beeniyay eedo ka dhan oo ku aadan inuu qaatay Laaluush, mar uu ka soo hor muuqday maxkamad maanta oo Khamiis ah, arintan ayaa noqotay fadeexadii siyaasadeed ee ugu weyned ee shiinaha soo marta muddo tobanaan sanadood ah.

Bo, oo ku tala jiray inuu noqday mid ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu sareeya Shiinaha, ayaa sidoo kale loo heystaa eedo ku saabsan musuq maasuq iyo inuu ku tagri falay awoodda, gaar ahaan isagoo qariyay dil la sheegay in xaaskiisa ay u geysatay ganacsade Biritish ah.

Dacwad Dhageysiggan oo dhacday maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa xoogga lagu saaray eedo kusaabsan in Bo uu si shaci darro ah u aqbalay in ka badan $4 malyuun oo dollar muddo dhowr sanadood ah.

Bo ayaa diiday eedaha ku saabsan inuu qaatay laaluush shirkad dhista guryaha oo ka howl gasha magaalada bariga Shiinaha ku taala ee Dalian.
XS
SM
MD
LG